Somaliland oo Adkaynaysa La-dagaallanka Ka Ganacsiga Harimocadka Duurjoogta ah
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u muujisay inay si adag uga hortagayso ka ganacsiga sharci-darrada ah ee harimocadka duurjoogta ah, sida uu sheegay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire).
Wasiirku oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, isla markaana ay soo xigatay SOLNA, ayaa ka digay khatarta weyn ee ka dhalan karta haddii uu sii socdo ka ganacsiga harimocadka, isaga oo ku tilmaamay arrin masiibo ku ah deegaanka iyo duurjoogta.
Wasiirka ayaa xusay in xukuumaddu si xooggan uga shaqaynayso ciribtirka ugaadhsiga sharci-darrada ah iyo ka ganacsiga duurjoogta, gaar ahaan noocyada halista ku jira sida harimocadka.
Sidoo kale, Somaliland ayaa iskaashi la leh hay’adda caalamiga ah ee Cheetah Conservation Fund (CCF), taas oo xarun ka furtay dalka, halkaas oo lagu daryeelo harimocadka la soo badbaadiyay. Ujeeddada xaruntan ayaa ah in harimocadka dib loogu celiyo deegaankoodii dabiiciga ahaa marka la soo daryeelo.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in qorshayaasha mustaqbalka ay ka mid tahay diyaarinta aag ballaadhan oo gaaraya 1,500 hektar, si loogu soo celiyo duurka harimocadka da’da yar.
Haatan, Somaliland waxaa lagu xanaaneeyaa ku dhawaad 127 harimocad, kuwaas oo intooda badan laga soo badbaadiyay ganacsatada sharci-darrada ah.
Tallaabooyinkan ayaa muujinaya dadaalka Somaliland ee ku aaddan ilaalinta deegaanka, badbaadinta duurjoogta, iyo la dagaallanka falalka sharci-darrada ah ee khatar gelinaya noocyada dabiiciga ah.


0 





