Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Hoteellada Hargeysa Booqday, Shacabka Kala Qaybsaday Farxadda Ciidda

0
Saturday March 21, 2026 - 14:49:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Hoteellada Hargeysa Booqday, Shacabka Kala Qaybsaday Farxadda Ciidda

    Booqashada Madaxweyne Ku-xigeenka waxa ku wehelinayay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booqashada Madaxweyne Ku-xigeenka waxa ku wehelinayay..

May be an image of one or more people and wedding



Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta booqday qaar ka mid ah hoteellada magaalada Hargeysa, si uu shacabka halkaasi ku sugan ula qaybsado farxadda munaasibadda Ciidul-Fidriga.


 

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada la wadaagay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta barakaysan, isaga oo ku booriyay inay xoojiyaan midnimada qaranka, wadajirka, is-xilqaanka iyo walaalnimada.


 

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Somaliland ay sii ilaaliso nabadgelyada iyo wada noolaanshaha, si loo xoojiyo horumarka iyo xasilloonida dalka.


 

Booqashada Madaxweyne Ku-xigeenka waxa ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Milatariga, Taliye ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo iyaguna shacabka la wadaagay farxadda ciidda.


 

Booqashadan ayaa ka mid ah dadaallada madaxda sare ee dalka ugu jiraan la wadaagga bulshada munaasibadaha farxadda leh iyo xoojinta isku duubnida shacabka Somaliland.

May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and wedding

Loading...
Loading...