Wasaaradda War-faafintu Waa Doqon Ma Waydo ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday August 04, 2019 - 19:13:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda War-faafintu Waa Doqon Ma Waydo ( Abdi-Shotaly).

    Murti uu lahaa Illaah raali ha ka ahaadee Sulub Tarabi, oo uu hees u rogay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murti uu lahaa Illaah raali ha ka ahaadee Sulub Tarabi, oo uu hees u rogay,
kuna luuqayn jirey (IHUN) Maxamed Mooge Liibaan, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Dumar baad ka tahayoo, wax-ba dunidda kama ogid", oo micna-heedu yahay lax dhukani abaar moog, si kale hadaan u dhigo, waxad iska tahay " Rabbi khalaq wa dalaq" oo af somaliga ku noqonaysa "Laguma dhaqaaq", hadaba waa reer ba'aw yaa ku lehe, waxa hore loo yidhi " Xabaaluhuna way kala subxaana-laystaan", oo waxay yidhaahaan " Tallaw xabaashaas miyaan cid u ehel ah, oo faataxadda u akhridda aanay jirin" waxan uga socdaa, oo aan u soo dul maray, dhawrka sarbeebood ee sare ku qoran, iguna kelifay in aan qalinka saaka u qaato, waxa weeye arinta ah " Xabaaluhuna way isu faanaan" oo ay yidhaahaan aniga baa ku dhaama oo faataxo lay akhriyaa, ee adiga cidi kuma soo booqanweligaa. Ujeedo iyo haatan akhristaw, Dhagax dixeed iyo qori xorsho-shoobay mid-na wax laguma dhisto baa la yidhiye, Somaliland waxa u hadhay ruux-ba-ruuxuu ka sii liitay ama hoos ka sii xigay, halkii loo xuli lahaa ka ku haboon. aan ku soo dhawaado'e in yar isii wakhti muwaadin, aan kuugu fasilo waxa ka socdda meesha iyo sidda ay wax yihiine.

 

"Af-dulaaq Darayo" Waa Ka war-faafin ku sheega'e, waxba dunidda kama oga ee xaal-kiisu waa isaga daaq tag. Waxan maqli jirey haad-ba-haad kici oo haweeyaa yimi, Wasaarad ku sheegta ay ugu magac dareen War-faafinta iyo dhaqanka " Waa doqon ma waydo" waxana loo soo xulaa intii kulmiye meesha yimi " Mid-ba-midkuu ka liito" waa tii loogu maah-maahay " Ayaan daran aabbe ma leh", waayo haday leedahay, sidan buu u dhaami lahaa, Waxan uga socdaa wasaarad ku sheegta aan sare ku xusay, waa meel baaba'day oo aaba-heed dhintay, abdo lahayn, oo lagu gufeeyo inta ugu daciifsan ama liidata ee ku xeeran maamulka asakrta. Qof-ba qofkuu ka maalaayac-niisan yahay baa la keenaa, Waxa hore u soo maray " Hablo Caaye" Waa Cabdiraxmaan sakhraane, waxa ka sii horeeyey " Cali Ooyaaye" Waa Cadaaniye, imikana waxa loo dhiibay, mid intii hore-ba  yidhi fadhiiso waxba maydin ahayne, Kaas oo la yidhaaho magaciisa " Af-dulaaq darayo",

(a) Waa kii damiir xumidiisa isaga oo shaabuug iyo dhenged, badhidda lagala dhacaayo dumaashiddii, Sidaas wasiirnimo weliba lagaga dhigay, halkii uu ka dhaqaajin lahaa

(b) Isaga oo inantiisii oo ku barooratay, awood-geed oo dhulkii laga qaadaayo, ay " Xaafad-tooyadda ka dhisayaan", weliba sidaas ugu sacab tumaaya, ee loo adeeg-sado weliba in uu beenta ka sheego, arimaha ay ka fadhiyi kari waayaan " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani".

(c) Hadaan taariikh-dda "Af-dulaaq darayo" dib ugu nqdo, nin-kani wuxu jooji jirey, oo ka shaqayn jirey Sucuudiga, Imika ma tegi karo.

(d) Markuu Badhisaab ku sheega ka ahaa Tog-dheer, waxay reer Burco u bixiyeen " Xumbo-weyne".

Waxan ku soo koobay tan la leeyahay, waxa la yidhaahaa Somaliland waa meel loo soo xaar tago, oo haad iyo habaqle, tuug, beenaale, munaafaq, mid aan wax cun mooyee aqoon kale laahyn, kuwo aan rabbi goror-ba aanu maskaxdda ugu shubin, oo ciil qaba-yaal ah, colaad beelo gaar ah ku ababay, Sidda kan aan ka hadlaayo iyo Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo shaaximan, Gaafaadhi iyo qaar kaloo aan ujeedo iyo ka jeedo mid-na lahayn oo maxaad cuntaana ah, Sidda Cawil iyo ina Waran-cade, Axmed Xasan Cigaal, Duur, oo iska daba raq-raq leh, bal mar uun in xil la idiin dhiibo, si aad u liqdaan oo dhuunta u dhinaty, waxa iyana jira qaar aan u bixiyey " Hunguri-dhaqmeed" ( Waxad idinku u taqaanaan Madax-dhaqmeed), oo magac reer ku ceesha, sidda kuwa hadda jooga Ceerigaabo, ee caloosha loogu buuxiyey, Janaral Caarre soo qabta, kuwaas oo aanay wax-ba dhulka ka oolin, ee ay iyaka u daran tahay dibno-leef iyo cad-quudheed loo tuuro, abdo iyo rajo kale mid-na aan laga sugayn. ugu dambayn Janaral Caarre, nin is dhiibaaya maaha, runtana wuu idiin soo sheegay, nin hoos imanaaya askarigan wajaqan iyo Geenyo shaaximan haw fadhiyina. waxa keli ah oo uu ku iman karaa " Cadaalad iyo sinaan, wax wadda lahaansho siman, kala eexid la'aan" isaga oo la casilo Geenyo Shaaximan, Taani  iyo qaar kaloo badan, balse aan eegno uuray-sataye waxay umuli doonto.

* N.B Af-Dulaaq Darayo Wax-ba Dunidda Kama Oga, Ee Xaal-kiis Waa Daaq!

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...