Wixii aynu Ramadaanta dhisnay ma sii socon doonaa?

0
Friday March 20, 2026 - 20:52:35 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wixii aynu Ramadaanta dhisnay ma sii socon doonaa?

    Allaha quluubta gedgeddiyow, qalbigayga ku sug diinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha quluubta gedgeddiyow, qalbigayga ku sug diinta.



Iiddu waxay waa calaamad muujineysa inay Ramadaan dhammaatay , laakiin taas waxaa kasii dhalanaysa: camalkii wanaagsanaa ee aynu soo samaynay ma sii socon doonaa?


 

Haddaba, waxaan kula wadaagayaa ducooyin qalbiga ka caawinaaya inuu sii wato camalkii fiicnaa ee Ramadaanta, waana kuwan ee aad ugu fiirso:



 

1. Ducada aqballaada.


 

رَبَّنَا تَقَبَّلْ مِنَّا إِنَّكَ أَنْتَ السَّمِيعُ العَلِيمُ


Macnaha: Rabbiyow naga aqbal ( acmaasheenna) adigaa ah ka wax walba maqla oo wax walba og.


 

Ducadani waxay ahayd duco ay jeediyeen Nebi Ibraahim iyo Nebi Ismaaciil (CS) kaddib markii ay dhammeeyeen dhismaha Kacbada. Inkastoo ay qabteen cibaado aad u weyn, haddana waxay Alle ka baryeen inuu ka aqbalo.


 

Marka ay Ramadaantu dhammaato , isla khushuucdaa ( isdhuldhigiddaa) ayaa weli taagan, kaddib bildhan oo salaad, soon, sadaqo iyo duco lagu soo qaatay ; rajada ugu wayni waa in Alle innaga aqbalo camalkeenna.


 

2. Ducada mahadnaqa.


 

اللَّهُمَّ أَعِنِّى عَلَى ذِكْرِكَ وَشُكْرِكَ وَحُسْنِ عِبَادَتِكَ


 

Ramadaantu waxay qalbiga bartaa in uu Alle si joogto ah u xuso . Mahadnaqa , digriga iyo cibaadada looma samayn keliya bisha Ramadaan , ee waa inay sii socotaa xitaa marka ay dhammaato.


Ducadan waxaynu Alle ka baryaynaa inuu innaga caawiyo wixii wanaagsanaa ee aynu Ramadaantii bilownay. Waxaynu Alle ka baryaynaa inuu innaga caawiyo xuska iyo sii wanaajinta cibaadaddiisa.


 

3. Ducada sugnaanta/ waarid.


 

اللَّهُمَّ يَا مُقَلِّبَ الْقُلُوبِ ثَبِّتْ قَلْبِي عَلَى دِينِكَ


Allaha quluubta gedgeddiyow, qalbigayga ku sug diinta.


 

Nabigu (NNKH) inta badan ducadan afka kama qaadi jirin; mar kasta carrabka ayaa uu ku hayn jirey. Qalbiyadu si degdeg ah ayay isu beddelaan, joogtayntuna mar walba ma aha mid la hubo.


Ramadaantu waxay xoojisaa qalbiga , laakiin ku sugnaanta iyo sii joogtaynta wanaaga, waxay u baahan tahay gargaar Alle .


 

4. Ducada Iidda; Asxaabta ayaa isugu hambalyayn jirey.


 

Waxay odhan jireen: تَقَبَّلَ اللَّهُ مِنَّا وَمِنْكُمْ


Macnaha: Illaahay ha innaga aqbalo ( camalkeennii) annaga iyo idinkaba.


 

Sababta dhabta ah ee farxaddu maaha inay ciiddu dhammaatay, laakiin waa rajada ah in Illaahay naga aqbalo camalkii wacnaa ee aynu samaynay.


Illaahay dhammaanteen ha innaga aqbalo camalkeennii.


 

Ciid wanaagsan dhammaan Ummadda Nebi Muxammad.


Farxad, bashbash iyo badhaadhe ayaa idiin rajaynayaa.


W/T: Maxamed Haybe


Qoraa Maxamed Haybe <[email protected]>
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...