DEG DEG Maraykanka oo Wada Bill Lagu Baadhayo Caqabadaha Hortaagan Helitaanka Nidaamka Maaliyadeed ee Somaliland
Xildhibaano ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa soo bandhigay hindise sharciyeed cusub oo lagu magacaabo "Somaliland Economic Access and Opportunity Act” (H.R. 7993), kaas oo ujeeddadiisu tahay in la baaro caqabadaha hortaagan helitaanka Somaliland ee nidaamka maaliyadeed ee Maraykanka iyo kan caalamka.
Hindisahan ayaa waxaa soo gudbiyay Xildhibaan John Rose, waxaana la taageeray Xildhibaano kale oo kala ah Pat Harrigan iyo Andrew Ogles, sida lagu sheegay diiwaannada Kongareeska.
Sharcigan cusub ayaa faraya Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka inuu muddo 180 maalmood gudahood ku soo gudbiyo warbixin dhamaystiran oo ku saabsan caqabadaha sharci, nidaam iyo farsamo ee xaddidaya helitaanka Somaliland ee adeegyada maaliyadeed, sida bangiyada iyo nidaamyada lacag-bixinta caalamiga ah.
Somaliland ayaa muddo dheer la daalaa dhacaysay caqabado dhinaca maaliyadda ah, iyadoo bangiyada iyo ganacsiyaduba ay la kulmaan xannibaado la xidhiidha halista u hoggaansanaanta shuruucda (compliance risks) iyo xidhiidh la’aanta bangiyada caalamiga ah.
Warbixinta la soo jeediyay ayaa sidoo kale qiimayn doonta sida Somaliland ugu hoggaansan tahay shuruucda la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada (AML/CTF), iyadoo lagu talin doono tallaabooyin lagu xoojinayo hufnaanta, kormeerka iyo nidaamka maaliyadeed.
Sidoo kale, waxa la eegi doonaa sida Maraykanku uga taageeri karo Somaliland xidhiidho maaliyadeed oo ammaan ah oo la isku halayn karo, iyadoo Somaliland loo arko meel istiraatiiji ah oo muhiim ah marka la eego marinnada badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Hindisahan ayaa hadda loo gudbiyay Guddiga Adeegyada Maaliyadeed ee Golaha Wakiillada (House Committee on Financial Services), waxaana uu weli ku jiraa marxalad hore. Si uu u noqdo sharci rasmi ah, waxa uu u baahan yahay ansixinta labada aqal ee Kongareeska iyo saxiixa Madaxweynaha Maraykanka.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in tallaabadan ay muujinayso xiisaha sii kordhaya ee Maraykanka ee ku aaddan xoojinta xidhiidhka dhaqaale iyo amni ee Somaliland, halkaas oo caqabadaha maaliyadeed ay caqabad ku ahaayeen ganacsiga, maalgashiga iyo horumarka guud.
Haddii sharcigan la meel mariyo, waxa uu noqon karaa tallaabo muhiim ah oo Somaliland ugu dhowaynaysa inay si buuxda ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, isla markaana la jaanqaaddo danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka ee gobolka.


0 





