Xaraashiyo Xabaal Qodasho Iyo, Xaafadu Dumiyo…

0
Friday March 20, 2026 - 20:27:36 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaraashiyo Xabaal Qodasho Iyo, Xaafadu Dumiyo…

    Tu khaas ahna Bahda H/W iyo Akhristayaashooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu khaas ahna Bahda H/W iyo Akhristayaashooda


May be an image of text



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim

(A.S.C.W.R.W.B)

Tu khaas ahna Bahda H/W iyo Akhristayaashooda


 

1.

Xuuf-xuuf isxaydxaydkayuu,

Xamar ku boobaayay,

Xoolo urursi xoogsigu,

Xeelad buu ku buuxshay.


 

2.

Xil ma rabo xisaab ma jiro,

Xeer uu dhigayaaye,

Xaqiiqada ka weecdayoo,

Xaalad buu abuuraa.


 

3.

Xoqay kadkastoo yimid,

Xalna ma helayaane,

Xanuun baa ku sii badan,

Xaal ma badbaadaayo.


 

4.

Xisbi furo dadkuu xidhxidhaa,

Xaafad ayuu tirayaa,

Xukun jecel xadgudub badan,

Xeer ma dhowraayo.


 

5.

Xan iyo xanta foondiyo,

Xeedho lagu ridaayo,

Xeeladaha qarsoon iyo,

Xumaan buu ku faafshaa.


 

6.

Xeerarkiyo dastuur haddii,

Xaalad loo beddelo,

Xukun aan la xakamayn,

Xaq ma dhalin karo.


 

7.

Xuub-caar iyo madoobiyo,

Xayn mucaarid joogta,

Xaalad adag ku nooloo,

Xaqooda sugaya.


 

8.

Xamar iyo Hiraan haddaan,

Xaasil ku ahaado,

Xuduudkayga gaarka ah,

Xasilooni baan rabaa.


 

9.

Xal haddii aan ka xidho,

Xerada iyo colaad,

Xaqa iyo nabadda baan,

Xoogga saarayaa.


 

10.

Xamze haddii garab istaago,

Xooggu waa kordhaya,

Xidhiidh iyo midnimo baa,

Xalka lagu gaadhaa.


 

11.

Xisaab yaa iga qaadi kara,

Xamar anoo jooga?

Xaqiiqada aan sheegayaa,

Xilli bay caddaanaysaa.


 

Gunaanad:

Xaraash iyo xabaal qodasho,

Xaafad dumis iyo xumaan,

Xaqiiqdiisu way muuqan,

Xilli dhaw insha ALLAH.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...