DEG DEG Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Ka Digay Abaarta, Kuna Baaqay Naxariis iyo Ilaalinta Nabadda
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda abaareed ee ka jirta dalka, isaga oo Alle SWT ka baryay in uu dadka dhibaataysan u soo dedejiyo nimcadiisa.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay inay muujiyaan isu naxariisasho iyo kaalmo, gaar ahaan kuwa awoodda leh, si loo garab istaago dadka ay abaartu saameysay.
"Abaaro ayaa lagu jiraa ee Ilaahay haynaga soo furto oo nimcada haynoo soo dedejiyo. Inta dhibaatadaasi jirtana cid kasta oo wax haysa waxaan leeyahay gacanta hala furo," ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka JSL.
Dhanka kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo amniga dalka, isaga oo sheegay in amnigu yahay tiirka ugu horreeya ee wax walba ka horeeya.
"Iimaanka waxa ka horeeya amniga ee nabadda aan ku wada dadaalno," ayuu raaciyay.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa hadalkan ka jeediyay Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa, halkaas oo uu boqolaal shacab ah kula tukaday Salaadda Ciidul-Fidriga, isaga oo ugu dambayn bulshada ku booriyay inay xoojiyaan midnimada, nabadda iyo is-caawinta xilligan adag.


0 





