DEG DEG:- Madaxweynihii Hore ee Somaliland Muuse Biixi oo Ka Digay Saamaynta Dagaallada Caalamka, Kuna Baaqay Midnimo

0
Friday March 20, 2026 - 18:02:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:- Madaxweynihii Hore ee Somaliland Muuse Biixi oo Ka Digay Saamaynta Dagaallada Caalamka, Kuna Baaqay Midnimo

    "Dagaallada maanta adduunka ka socda waa dagaallo saameyn...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dagaallada maanta adduunka ka socda waa dagaallo saameyn...



Madaxweynihii 5-aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaaladda dagaallada ka socda dunida, isaga oo sheegay in ay yihiin kuwo leh saameyn ballaadhan oo taban, isla markaana walaac ku haya caalamka.


 

Madaxweynihii hore ayaa tilmaamay in dagaallada maanta socda ay yihiin kuwa ugu saamaynta badan tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, taas oo muujinaysa heerka khatarta ay leeyihiin.



 

"Dagaallada maanta adduunka ka socda waa dagaallo saameyn badan tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka," ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.


 

Sidoo kale, waxa uu xusay in Somaliland ay kaga gudbi karto caqabadahaas iyada oo la xoojinayo isku dulqaadka, midnimada iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.


 

"Waxaynu gudaheena kaga bixi karnaa isku dulqaad, khilaafyadeena oo aan dhammaan nabad ku dhamayno, hoosna loo dhigo oo midnimo lagu dadaalo," ayuu raaciyay.


 

Madaxweynihii hore ayaa hadalkan ka jeediyay mar uu shacabka Hargeysa kula tukaday Salaadda Ciidul-Fidriga, isagoo ku booriyay bulshada inay ilaashadaan midnimada iyo wada noolaanshaha, si looga hortago saamaynta ka iman karta xaaladaha cakiran ee caalamka.

Loading...
Loading...