Madaxweynaha Somaliland oo Iftiimiyay Rajada Aqoonsi Cusub, Kuna Baaqay Duco
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si dadban u muujiyay in Somaliland ay rajaynayso aqoonsi caalami ah oo ka imanaya dalal kale, kuwaas oo uu tilmaamay inay jidka ku soo jiraan.
Madaxweynaha oo maanta shacabka Hargeysa kula tukaday Salaaddii Ciidul-Fidriga, ayaa sheegay in loo baahan yahay in bulshada Somaliland ay u ducayso khayrka iyo horumarka soo socda.
"Waxa aan isleeyahay Somaliland khayr badan ayaa u soo socda dhawaan ee aynu ducayno," ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in rajadaas cusub ay u baahan tahay midnimo, dulqaad iyo duco, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee la hiigsanayo.
Hadalkan ayaa muujinaya rajo iyo yididiilo cusub oo ku saabsan mustaqbalka Somaliland, gaar ahaan dhinaca aqoonsiga caalamiga ah iyo horumarka guud ee dalka.


0 





