Madaxweynaha Somaliland oo Baaq Nabadeed u Diray Shacabka Sool iyo Sanaag

0
Friday March 20, 2026 - 17:53:46 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Baaq Nabadeed u Diray Shacabka Sool iyo Sanaag

    Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu booriyay dadka ku ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu booriyay dadka ku ....



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa baaq nabadeed u diray shacabka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag, isaga oo ugu baaqay inay ilaashadaan walaalnimada, midnimada iyo nabadda.


 

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu booriyay dadka ku lugta yeeshay khilaafaadka inay ka noqdaan colaadda, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan jidka nabadda iyo wada hadalka.



 

"Waxaan ugu baaqayaa shacabkayga gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag inay walaalnimadooda iyo nabaddooda ilaashadaan. Wixii shaydaan isku diray ee wax kala gaadheen waxaan ugu baaqayaa inay u soo noqdaan nabadda, ergooyinkana aqbalaan, ciidamada ammaankana la shaqeeyaan," ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.


 

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay mar uu shacabka Hargeysa kula tukaday Salaadda Ciidul-Fidriga, isagoo ku celceliyay muhiimadda ay leedahay nabadgelyada, wada noolaanshaha iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.


 

Baaqan ayaa ka tarjumaya dadaallada xukuumadda ee ku aaddan xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan khilaafaadka.

Loading...
Loading...