Madaxweynaha Somaliland: "Cadowgeennu Wuu Kordhay, Balse Waxaan Leenahay Awood aan Isku Difaacno"

0
Friday March 20, 2026 - 17:48:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland: "Cadowgeennu Wuu Kordhay, Balse Waxaan Leenahay Awood aan Isku Difaacno"

    "Somaliland cadowgeedii waa sii boqol laabmay intii ictiraafku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland cadowgeedii waa sii boqol laabmay intii ictiraafku



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in ay sii kordheen cadowga Somaliland tan iyo markii ay gaadhay horumar dhinaca aqoonsiga ah.


 

Madaxweynaha oo kulan kula qaatay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hotel Grand Haddi, ayaa muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo awoodda Qaranka ee difaaca naftiisa.



 

"Somaliland cadowgeedii waa sii boqol laabmay intii ictiraafku yimi, waxaan se maanta ku kalsoonahay in Qaranka aan difaaci karno, cid kasta oo ina soo doonatana aynu cashar u dhigi karno," ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.


 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in shacabka Somaliland ay leeyihiin midnimo iyo awood difaac, taas oo ka dhigaysa inay ka hortagi karaan khatar kasta oo dibadda ah.


 

Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallada Madaxweynaha ee lagu xoojinayo wada-tashiga iyo iskaashiga hoggaanka dhaqanka iyo bulshada, si loo ilaaliyo amniga, midnimada iyo jiritaanka qaranka Somaliland.

Loading...
Loading...