Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Amar Ku Bixisay Dhaqan-gelinta Jaangoynta Qiimaha Shidaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay wareegto rasmi ah oo lagu amrayo dhaqan-gelinta jaangoynta qiimaha shidaalka, taas oo ay hore u dejisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa faray Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Badhasaabyada gobollada inay si buuxda u fuliyaan qiimaha cusub ee lagu iibinayo shidaalka, kaas oo Wasaaradda Ganacsigu dhowaan ku dhawaaqday.
Wasiirku waxa uu si cad u sheegay in la qaadi doono tallaabo sharci ah oo adag cid kasta oo ku kacda jebinta amarkan, isla markaana aan u hoggaansamin qiimaha la dejiyay.
Dhanka kale, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa hore u soo saartay qiime rasmi ah oo lagu jaangooyay shidaalka dalka, iyadoo si cad u qeexday qiimaha lagu iibinayo halkii litir ee batroolka iyo naaftada.
Wareegtadan ayaa qayb ka ah dadaallada xukuumadda ee lagu doonayo xasilinta suuqyada, ilaalinta xuquuqda macaamiisha, iyo ka hortagga sicir-bararka ku yimaadda shidaalka.
![]() |
![]() |


0 







