Culimada Ka Digtay Macaasi iyo Mukhaadaraad Xilliga Ciidda, Baaqna u Diray Bulshada

0
Thursday March 19, 2026 - 17:35:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimada Ka Digtay Macaasi iyo Mukhaadaraad Xilliga Ciidda, Baaqna u Diray Bulshada

    Waxay si gaar ah fariin ugu direen dhalinyarada iyo dadka isticmaala...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay si gaar ah fariin ugu direen dhalinyarada iyo dadka isticmaala...



Culimada ka tirsan Ururka Wacyigelinta iyo Dabargoynta Mukhaadaraadka ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay ka digtoonaadaan macaasida iyo waxyaabaha xun ee qaar ka mid ahi ku kacaan xilliyada farxadda Ciidda.


 

Guddoomiyaha ururka, ku-xigeenkiisa iyo xubnaha kale ayaa si wadajir ah bulshada ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga, akhlaaqda iyo diinta, iyaga oo ku booriyay inay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimaya ajarka iyo fadliga soonka.



 

Waxay si gaar ah fariin ugu direen dhalinyarada iyo dadka isticmaala mukhaadaraadka, iyaga oo kula taliyay inay ka waantoobaan balwadda, isla markaana aysan dib ugu noqon falalkaas.


 

"Waa in laga fogaadaa wax kasta oo ajarka soonka wax u dhimaya, lagana dheeraadaa mukhaadaraadka iyo falalka xun," ayay culimadu ku dardaarmeen.


 

Gebo’gabadii, masuuliyiinta ururka ayaa hambalyo iyo duco u diray dhammaan ummadda Muslimka ah, gaar ahaan shacabka Somaliland, munaasibadda Ciidul-Fidriga, iyaga oo u rajeeyay farxad, nabad iyo barwaaqo.

Loading...
Loading...