Maamulka Togdheer iyo Degmada Burco oo Kormeeray Diyaarinta Goobaha Salaadda Ciidul-Fidriga

0
Thursday March 19, 2026 - 17:33:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Togdheer iyo Degmada Burco oo Kormeeray Diyaarinta Goobaha Salaadda Ciidul-Fidriga

    Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la hubiyo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la hubiyo...



Badhasaabka Gobolka Togdheer, Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo uu weheliyo Duqa Degmada Burco Mudane Mustafe Maxamed Muuse (Calas) iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka, ayaa kormeer ku sameeyay habsami u socodka shaqada hagaajinta garoomada iyo barxadaha lagu tukan doono Salaadda Ciidul-Fidriga.



 

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la hubiyo in goobaha loo diyaariyay shacabka ay yihiin kuwo nadiif ah, ammaan ah, isla markaana ku habboon qabashada salaadda ciidda.


 

Goobahan ayaa waxa si toos ah uga shaqaynaya waaxyaha hawlaha guud iyo arrimaha bulshada ee dawladda hoose ee degmada Burco, kuwaas oo dadaal ku bixinaya diyaarinta iyo qurxinta goobaha si ay bulshada ugu suurtagasho inay si habsami leh ugu gutaan waajibaadkooda diimeed.


 

Masuuliyiinta ayaa ku ammaanay shaqaalaha hawsha wada, iyaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu diyaarinayo goobaha, si ay u noqdaan kuwo u qalma munaasibadda weyn ee Ciidul-Fidriga.


 

Kormeerkan ayaa ka mid ah dadaallada maamulka gobolka iyo degmada Burco ugu jiraan u adeegidda bulshada iyo hubinta in munaasibadaha diimeed si habsami leh u qabsoomaan.

Loading...
Loading...