Wasiirka Diinta: Somaliland Waxay Leedahay Qalab Casri ah oo Lagu Baadho Bilaha Islaamka

0
Thursday March 19, 2026 - 17:31:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta: Somaliland Waxay Leedahay Qalab Casri ah oo Lagu Baadho Bilaha Islaamka

    Wasiirka ayaa xusay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa xusay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan ...



Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay haysato qalab casri ah oo lagu baadho bilaha Islaamka, kaas oo uu tilmaamay in aanu ka jirin inta badan waddamada Geeska Afrika.


 

Wasiirka ayaa xusay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo si gaar ah u maamula arrimaheeda diimeed, isla markaana ay leedahay awood iyo qalab ay ku go’aamiso bilaha sida Ramadaanka iyo Ciidaha.



 

Wuxuu yidhi:


"Annagu dowlad madaxbannaan oo gaarkeeda wax u baadha ayaanu nahay, qalabkeedina waa haysanaa oo waa qalab soo dhaweynaya hisha oo aan Geeska Afrika oolin."


 

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo Sucuudiga ay yihiin laba dal oo kala madax-bannaan, mid kastana uu si gaar ah u qaato go’aannada la xidhiidha bilaha Islaamka.


 

"Sucuudiguna waa dal muslim ah oo weyn oo si weyn iskaga xil saaran, markaa qolo walba gaarkeeda ayay bisha u baadhataa," ayuu raaciyay.


 

Hadalkan ayuu Wasiirku ka jeediyay wareysi uu siiyay Dirane TV, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in Somaliland ay si madax-bannaan u maamusho arrimaheeda diimeed, isla markaana ay ku tiirsanaato aqoon iyo tiknoolajiyad casri ah.

Loading...
Loading...