Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo Digniin u Diray Basaslayaasha iyo Waalidiinta Dalxiisayaasha Berbera

0
Tuesday March 17, 2026 - 15:01:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo Digniin u Diray Basaslayaasha iyo Waalidiinta Dalxiisayaasha Berbera

    "Basaska dadka keena Berbera waxa laga yaabaa inay ka tagaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Basaska dadka keena Berbera waxa laga yaabaa inay ka tagaan



Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa digniin adag u diray darawallada basaska ee dadka dalxiisayaasha ah keena magaalada Berbera, isaga oo uga digay inay ka tagaan dadka ay sidaan.


 

Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyay in darawal kasta oo ka taga dadkii uu keenay lala tiigsan doono sharciga, isla markaana mas’uuliyadda dadkaas dusha laga saari doono.



 

Waxa uu yidhi:


"Basaska dadka keena Berbera waxa laga yaabaa inay ka tagaan dhalinyaradii ay keeneen, taas oo keeni karta in dadku dhibaato la kulmaan. Waxaan u sheegaynaa basaslayaasha in aanay dadkaasi ka tagin, haddii kalena iyaga ayaa la xidhayaa, sharcigana lala tiigsanayaa."


 

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa waalidiinta ugu baaqay inay si dhow ula socdaan ubadkooda, gaar ahaan xilliyada dalxiiska, si looga hortago khataraha ka iman kara safarada iyo badda.


 

"Waalidku waa inuu ilmahiisa la socdaa mar kasta oo uu ogaadaa halka uu joogo iyo xaaladdiisa," ayuu raaciyay.


 

Digniintan ayaa imanaysa xilli ay magaalada Berbera martigeliso dhalinyaro badan oo ka kala yimaadda gobollada dalka, kuwaas oo u yimaada dalxiis iyo dabaal-badeed, iyadoo mararka qaar ay dhacaan shilal iyo khasaare la xidhiidha gaadiidka iyo badda.

Loading...
Loading...