Madaxweynaha Somaliland oo Guddi Heer Qaran ah u Saaray Xalinta Khilaafka Jaamacadda Caafimaadka Burco

0
Tuesday March 17, 2026 - 14:57:47 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Guddi Heer Qaran ah u Saaray Xalinta Khilaafka Jaamacadda Caafimaadka Burco

    Qodobbada la isla gartay waxaa ka mid ah:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qodobbada la isla gartay waxaa ka mid ah:
May be an image of text



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay guddi heer qaran ah oo loo xilsaaray xal u helidda khilaafka ka taagan University College of Health Sciences ee Burco, khilaafkaas oo saameeyay maamulka iyo habsami u socodka hawlaha jaamacadda.


 

Guddidan ayaa si degdeg ah u bilaabay shaqadooda, iyaga oo diiradda saaraya dejinta xaaladda, ilaalinta nidaamka waxbarashada, iyo in xal waara laga gaadho khilaafka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka.


 

Qodobbada la isla gartay waxaa ka mid ah:


 

In jaamacaddu tahay hanti qaran oo muhiim ah


 

In ay sii waddo adeegyada waxbarasho ee ay bulshada u hayso


 

In golayaasha sare ee jaamacaddu qaataan doorkooda hoggaamineed


 

In la joojiyo tallaabo kasta oo carqaladayn karta habsami u socodka waxbarashada


 

Xukuumadda ayaa mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta tacliinta sare iyo xasilloonida hay’adaha waxbarashada, iyadoo guddidan laga sugayo inay si dhakhso leh u keenaan xal waara.


 

Guddigan heer qaran ah ayaa ka kooban:


 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland


 

Wasiirka Waxbarashada


 

Wasiirka Caafimaadka


 

Guddoomiyaha Komishanka Qaranka ee Tacliinta Sare


 

Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaalka xukuumadda ee ku aaddan xallinta khilaafaadka waxbarashada iyo ilaalinta tayada tacliinta dalka.

May be an image of dais



May be an image of ‎text that says '‎JAMHUURIYADDA SOMALILAND جمهورية REPUBLICOF-SOMALILAND REPUBLIC OFS Guddi farsamo 2 3 Waslirka WasilirkaWasaaradda Wasaaradda Madaxtooyadda JSL Wasiirka WaslirkaWasaaradda Wasaaradda Horumarinta CaafimaadkaJ JSL Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadaiy Sayniska Somaliland Gudoomiyaha Guddida Taclinta Sare JSL Guddi farsamo oo madaxweynaha JSL u saaray xallinta khilaafka maamul ee Jaamacadda University College of Health Science Burco oo go,aamo soo saarey.‎'‎

Loading...
Loading...