Laascaanood:-Dablay Weerartay Xero Ciidanka Qaranku Leeyahay, Khaatumo Oo Sheegatay Iyo Dad Loo Xidhay

0
Sunday August 04, 2019 - 17:44:38 in News by
  • Visits: 4907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laascaanood:-Dablay Weerartay Xero Ciidanka Qaranku Leeyahay, Khaatumo Oo Sheegatay Iyo Dad Loo Xidhay

    Laascaanood:-Dablay Weerartay Xero Ciidanka Qaranku Leeyahay, Khaatumo Oo Sheegatay Iyo Dad Loo Xidhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood:-Dablay Weerartay Xero Ciidanka Qaranku Leeyahay, Khaatumo Oo Sheegatay Iyo Dad Loo Xidhay

 


Laascaanood(HWN):-Xerada buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo uu ka dhaw yahay fadhiisin ay ciidamada qaranka somaliland leeyihiin ayaa la sheegay in habeenkii xalay weerar lagu qaaday.



Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Axmed Cabdilaahi Cabdi ayaa ka hadlay weerarkan oo uu sheegay inaan ilaa hada la aqoonsan cidii soo qaaday.



Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Axmed Cabdilaahi ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan baadhis ku saabsan cidii ka dambaysay weerarkaasi isla markaana ay jiraan dad haatan loo xidhay, waxaanu yidhi " Goobta aniga ayaa tagay oo soo eegay, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd, meeshii aan tagayna sadex qori ayaan qasharkooda ku arkay, qaarna waxay na oo waydiiyeen dad ayaa dhintay iyo laascaanood waxbaa ka dhacay, balse magaalada Laascaanood gudaheeda waxba kamay dhicin, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd aniga ayaa istaagay, qofka wax kale sheegayaa ha sheego laakiin gobolkan anaga ayaa amnigiisa ka masuula oo waxba kamay dhicin.”


Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Dad tuhun loo hayo oo arintaas loo tuhmayo oo xidhan ayaa jira, taasna ciidanka dembi baadhista ayaa gacanta ku haya oo baadhis ayaa ku socota, ciidanka booliskuna ka fadhiisan maayo amniga waana waajibaad saaran in dalka iyo dadkaba loo adeego oo aanu nafta iyo dhiigaba u hurno.”


Dhinaca kale Faysal Falaalug oo sheegta hogaamiyaha khaatumo ayaa cadeeyey in weerarkaas ay fuliyeen "way jirtaa arintaas, jabhada xorayntu xalay waxay gashay buurta sayidka ilaahayna waa uga rooneeyey waxyeelo anaguna nabad galyo ayaa ilaahay na siiyey oo aanu kaga baxnay.”ayuu u sheegay hctv.

 

Loading...
Loading...