Safaaradda Somaliland ee UK oo Casho Sharaf iyo Isbarasho u Qabtay Masuuliyiin ka Socday Israa'iil

0
Tuesday March 17, 2026 - 13:02:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradda Somaliland ee UK oo Casho Sharaf iyo Isbarasho u Qabtay Masuuliyiin ka Socday Israa'iil

    Masuuliyiinta labada dhinac ayaa intii uu socday kulanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa intii uu socday kulanku

May be an image of suit


Masuuliyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska (UK) ayaa kulan casho sharaf iyo isbarasho ah u qabtay masuuliyiin ka socday dawladda Israa’iil.


 

Kulankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac, iyadoo diiradda lagu saaray is-fahamka, wada-shaqaynta iyo fursadaha mustaqbalka ee labada dal.


 

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa intii uu socday kulanku is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah, iyaga oo muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo xiriirka labada dhinac.


 

Casho-sharaftan ayaa sidoo kale qayb ka ahayd dadaallada ay Somaliland ugu jirto ballaadhinta xidhiidhadeeda caalamiga ah iyo dhisidda iskaashi ay la yeelato dalalka kale ee dunida.

May be an image of table

Loading...
Loading...