La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha oo Bixiyay Cashuurtiisa, Bulshadana Ku Booriyay inay Waajibkooda Gutaan
La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee
Arrimaha Dhaqaalaha, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa shaaca ka qaaday inuu
bixiyay cashuurtii hantidiisa ku waajibtay sannadka 2026, isaga oo bulshada iyo
ganacsatada ugu baaqay inay iyaguna si waajib ah u bixiyaan cashuuraha.
Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa carrabka ku adkeeyay in
bixinta cashuuraha ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada bulshada, isagoo
xusay in lacagta cashuurta laga helo lagu fuliyo adeegyo muhiim ah sida
horumarinta magaalooyinka, adeegyada bulshada, iyo bixinta mushaharka
shaqaalaha dawladda.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Dawladda Hoose ee
Boorama nidaamka wanaagsan ee ay u diyaariyeen xogtiisa iyo habka casriga ah ee
kaydinta faylasha iyo xogaha muwaadiniinta.
Bayle ayaa yidhi:
"Aad baan ugu faraxsanahay in aan bixiyo cashuurtii
dhulkeygii aan ku lahaa Boorama. Bulshada reer Awdal iyo guud ahaan Somaliland
marka ay bixiyaan cashuurta oo ay arkaan in wax loogu qabanayo, yididiilo ayaa
ku dhalanaysa, markaasna dadku way sii bixinayaan cashuurta."
Waxa uu intaas ku daray in haddii dadku arki waayaan
adeegyada laga fulinayo cashuurtooda ay niyad-jab ku keeni karto bulshada,
balse haddii lacagta cashuurta si muuqata loogu adeego horumarinta dalka ay
dadku kalsooni ku qabaan inay sii wadaan bixinta cashuuraha.
Ugu dambayn, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ku ammaanay
shaqaalaha Dawladda Hoose ee Boorama sida ay u maamulaan hawlaha cashuuraha,
gaar ahaan nidaamka xog kaydinta casriga ah iyo sida ay shaqada ugu soo
kallahaan subaxnimadii hore si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.


0 





