Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Kormeer Habeenimo ku Maray Suuqa Waaheen

0
Monday March 16, 2026 - 11:26:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Kormeer Habeenimo ku Maray Suuqa Waaheen

    Masuuliyiintan ayaa waqti ku qaatay gudaha suuqa, iyaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiintan ayaa waqti ku qaatay gudaha suuqa, iyaga



Wasiiro ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay kormeer socod ah ku maray badhtamaha suuqa weyn ee Waaheen ee magaalada Hargeysa, iyaga oo la kulmay shacabka iyo ganacsatada ka hawlgasha suuqa.


 

Masuuliyiinta kormeerka sameeyay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Maxamed Cadaad, Ku-xigeenka Duqa Magaalada Hargeysa Khadar Nuur, iyo saraakiil ka tirsan ciidammada kala duwan ee dalka.



 

Masuuliyiintan ayaa waqti ku qaatay gudaha suuqa, iyaga oo la sheekaystay shacabka iyo ganacsatada ka adeeganaysay suuqa, isla markaana u kuurgalay xaaladda ganacsiga iyo amniga ee goobta.


 

Kormeerkan ayaa loo arkaa mid muujinaya xasilloonida amni iyo kalsoonida ay bulshada ku qabto hay’adaha dowladda, iyadoo masuuliyiintu si toos ah ula kulmayaan shacabka xilliyada kala duwan.


 

Tallaabadan ayaa sidoo kale tilmaamaysa heerka nabadgelyo iyo dawladnimo ee ay ku naalloonayaan dadka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo u sahlaysa masuuliyiinta inay si caadi ah ugu dhex socdaan suuqyada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto.

Loading...
Loading...