Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo Dib u Furay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Burco

0
Monday March 16, 2026 - 11:25:08 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo Dib u Furay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Burco

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in jaamacaddani ay tahay hanti qaran...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha ayaa sheegay in jaamacaddani ay tahay hanti qaran...



Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay xarunta Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee gobolka Togdheer, taas oo maalmihii u dambeeyay uu muran ka taagnaa maamulka jaamacadda.


 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in jaamacaddani ay tahay hanti qaran oo ay dawladdu masuul ka tahay, isaga oo xusay in shahaadooyinka jaamacadda ay hore u saxeexi jireen Wasiirrada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.



 

Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa bulshada Burco u caddeeyay in jaamacaddu tahay mid qaranku leeyahay, isla markaana maamulka cusub looga baahan yahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda.


 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waalidiinta ardayda ugu baaqay inay si dhow ula socdaan waxbarashada ubadkooda, si aanay danahooda ugu lumin muranka iyo dano gaar ah oo ay leeyihiin shaqsiyaad.


 

Waxa uu yidhi:

"Waxaan bulshada Burco u caddeynayaa in jaamacaddani tahay mid dalku leeyahay oo xukuumaddu masuul ka ahayd. Mar haddii digreeto soo baxday waa in maamulka cusub hawlihiisa si fiican u gutaa. Waalidkana waxaan ugu baaqayaa in danta carruurtoodu aanay ku dhex lumin dano gaar ah oo ay leeyihiin dad kale."


 

Hadalka guddoomiyaha ayaa yimid xilli maalmihii u dambeeyay muran ka taagnaa maamulka iyo hab maamulka jaamacadda, taas oo dhalisay dood iyo is qabqabsi ku saabsan cidda maamulaysa xarunta waxbarasho ee gobolka.

Loading...
Loading...