Dowladda Somaliland iyo UNICEF oo Soo Bandhigay Qorshe Hawleedka Wada-shaqaynta 2026–2027

0
Monday March 16, 2026 - 11:20:56 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliland iyo UNICEF oo Soo Bandhigay Qorshe Hawleedka Wada-shaqaynta 2026–2027

    Heshiiskan cusub ayaa sidoo kale ah hannaan mideynaya...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiskan cusub ayaa sidoo kale ah hannaan mideynaya...



Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda UNICEF ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay qorshe hawleedka wada-shaqaynta ee 2026–2027, kaas oo ay UNICEF kula shaqayn doonto wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dalka.


 

Munaasibadda lagu soo bandhigay qorshahan ayaa ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, waxaana ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, madaxda wasaaradaha, iyo masuuliyiin ka socday UNICEF.



 

Qorshahan wada-shaqayneed ayaa diiradda saaraya xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, waxaana mudnaan gaar ah la siinayaa dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta carruurta, biyaha iyo fayadhowrka, nafaqada, iyo siyaasadaha bulshada, si loo kordhiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo ay ka faa’iidaystaan bulshada, gaar ahaan hooyooyinka iyo carruurta.


 

Heshiiskan cusub ayaa sidoo kale ah hannaan mideynaya wada-shaqayntii hore ee UNICEF la lahayd wasaaradaha kala duwan ee Somaliland, kuwaas oo hore u lahaa heshiisyo gaar gaar ah. Waxaa la isla qaatay in wada-shaqayntaasi lagu mideeyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, taas oo noqon doonta hay’adda matasha dowladda ee isku-duwidda barnaamijyada ay UNICEF dalka ka fuliso.


 

Barnaamijkan wada-shaqayneed waxaa fulintiisa ka qayb qaadan doona wasaarado iyo hay’ado badan oo ka tirsan Dowladda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasaaradaha caafimaadka, biyaha, waxbarashada, deegaanka, shaqada iyo arrimaha bulshada, caddaaladda, arrimaha gudaha, maaliyadda, iyo dawladaha hoose, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.


 

Masuuliyiintii ka hadlay munaasibadda ayaa xusay in qorshahani uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada bulshada, ilaalinta xuquuqda carruurta, iyo xoojinta dadaallada horumarineed ee Somaliland.

Loading...
Loading...