Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Tababar u Soo Xidhay Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, oo uu weheliyo Taliye ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay tababar loo qabtay qaar ka mid ah Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray nidaamka casriga ah ee tiknoolajiyadda iyo adeegsiga warbaahinta (media), waxaana uu socday muddo, iyadoo ujeeddadiisu ahayd kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha ciidanka si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda shaqo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku booriyay Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka inay aqoontii iyo xirfadihii ay barteen muddadii tababarku socday ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah, si loo horumariyo nidaamka shaqo ee ciidanka.
Cabdalle Maxamed Carab ayaa sidoo kale sheegay in dunidu si xawli ah ugu socoto dhinaca tiknoolajiyadda casriga ah, sidaas darteedna ay xukuumaddu dadaal ugu jirto inay la jaanqaaddo isbeddellada tiknoolajiyadda, si loo xoojiyo adeegyada amniga iyo maamulka waddooyinka dalka.


0 





