Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland iyo Hay'adda IOM oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Arrimaha Barakaca
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mukhtaar Cabdi Jaamac (Baaxo), ayaa kulan shaqo la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adda IOM, gaar ahaan qaybta DTM.
Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo hay’adda IOM, iyadoo si gaar ah looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada xog ururinta, maaraynta barakaca, iyo yareynta khataraha socdaalka.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqaynta, si loo helo xog sax ah iyo qorsheyaal wax ku ool ah, kuwaas oo gacan ka geysan kara ka hortagga khataraha la xidhiidha socdaalka iyo taageeridda dadka nugul ee u baahan gargaarka bani’aadannimo.


0 





