Dalalka Khaliijka oo Ka Fikiraya Isbahaysi Difaac oo Wadajir ah Kadib Xiisadaha Iran
Dalalka ku bahoobay Gulf Cooperation Council (GCC) ayaa la sheegay inay bilaabeen wadahadallo ku saabsan sameynta isbahaysi difaac oo wadajir ah, kadib walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan awoodda Maraykanka ee dammaanad qaadka amniga gobolka.
Warbixin ay baahisay Al Jazeera ayaa sheegtay in tallaabadan ay timid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha iyo dagaallada la xidhiidha Iran, kuwaas oo saameyn ku yeeshay xaaladda amni ee Bariga Dhexe.
Falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Doha, Salman Shaikh, ayaa u sheegay Al Jazeera in dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran uu ku qasbay dalalka Khaliijka inay dib u eegaan doorka Mareykanka ee ahaa dammaanad-qaadaha ugu weyn ee amniga gobolka.
Shaikh wuxuu sheegay in dagaalkani uu dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan heerka ilaalinta amni ee ay dalalka GCC ka heli karaan Mareykanka, isaga oo xusay in xaaladaha cusub ay muujinayaan in Mareykanku uusan si buuxda u dabooli karin dhammaan khataraha cusub ee gobolka ka jira.
Dhanka kale, dalalka Khaliijka ayaa wada tashi joogto ah ka wada xaaladda amni ee gobolka, iyaga oo ka fikiraya tallaabooyinka mustaqbalka ay qaadi karaan si ay u xoojiyaan difaacooda iyo iskaashiga milatari.
Falanqeeyaha ayaa intaas ku daray in hoggaamiyeyaasha Khaliijka ay si dhab ah uga doodayaan suurtagalnimada in la sameeyo isbahaysi amni oo gobolka ah, kaas oo qaab ahaan u ekaan kara NATO, si loo xoojiyo iskaashiga milatari iyo difaaca wadajirka ah ee dalalka GCC, loogana hortago khataraha ka imaan kara Iran.


0 





