Hay'adda Caymiska Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Adeegyada Caymiska Dalka

0
Monday March 16, 2026 - 11:01:54 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Caymiska Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Adeegyada Caymiska Dalka

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Hay'adda Caymiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Hay'adda Caymiska



Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kulan shaqo la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Hay’adda Caymiska Qaranka, hirgelinta iyo ballaadhinta adeegyada caymiska, iyo doorka muhiimka ah ee caymisku ku leeyahay horumarinta ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga, ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta, iyo kordhinta ilaha dakhliga dawladda.



 

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in si wadajir ah looga shaqeeyo qorsheyaasha iyo istaraatiijiyadaha lagu horumarinayo nidaamka caymiska dalka, si loo gaadho isku-filnaansho dhaqaale oo waara iyo horumar guud oo ku yimaadda adeegyada maaliyadeed ee dalka.

Loading...
Loading...