Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha oo Adeegyo Daawayn ka Fuliyay Deegaannada Hoos Yimaada Ceel-Afweyn

Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha ee gobolka Sanaag, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmada Ceel-Afweyn, ayaa si joogto ah uga shaqeeya daryeelka, daawaynta iyo nafaqaynta xoolaha si loo ilaaliyo caafimaadka xoolaha iyo wax-soo-saarka bulshada xoolo-dhaqatada ah.
Unugga saddexaad ee Daawaynta iyo Nafaqaynta Xoolaha ayaa fulinaya hawlo adeeg caafimaad oo lagu gaadhsiinayo deegaannada Suf-dheere, Gal-luubade, Dhaaxaan iyo Garba-diir, kuwaas oo dhammaantood hoos yimaadda Degmada Ceel-Afweyn.
Hawlahan ayaa ujeeddadoodu tahay kor u qaadidda caafimaadka xoolaha, ka hortagga cudurrada, iyo wacyigelinta xoolo-dhaqatada, si loo ilaaliyo wax-soo-saarka iyo badbaadada xoolaha oo ah laf-dhabarta nolosha bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag.
Dhanka kale, Dhakhaatiirta Xoolaha ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee gobollada Maroodi-Jeex, Togdheer iyo Saaxil ayaa iyaguna si joogto ah ugu hawlan daawaynta iyo daryeelka xoolaha, gaar ahaan xilliyada abaaraha, si loo badbaadiyo xoolaha oo ah tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha dalka.


0 





