Taliyaha Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Shacabka uga Digay Khataraha Badda Xilliga Ciidda
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa digniin u jeediyay shacabka Somaliland ee u dalxiisa xeebaha badda inta lagu jiro maalmaha Ciidda, isaga oo uga digay inay galaan meelaha khatarta ah ee badda.
Taliyaha ayaa sheegay in dad badani ay caado u leeyihiin inay maalmaha ciidaha si tiro badan ugu dabaal tagaan badda, balse uu muhiim yahay in la raaco meelaha badbaadada leh ee loogu talagalay dabaasha.
Wuxuu yidhi:
"Dad badan oo reer Somaliland ah waxay dhaqan u leeyihiin inay maalmaha ciidda si miidaamo ah badda ugu dabaal tagaan meel kastana laga galo badda. Waxaan u sheegaynaa bulshada in badda aan meel walba laga dabaalan karin, balse ay jiraan meelo go’an oo loogu talagalay dabaasha."
Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa sidoo kale ku booriyay shacabka inay la tashadaan ciidanka Ilaalada Xeebaha si ay u ogaadaan meelaha nabdoon ee lagu dabaalan karo.
Dhanka kale, Taliyaha Ilaalada Xeebaha ayaa digniin u diray kooxo, ururo iyo hay’ado, isaga oo sheegay in qaar ka mid ahi ay si sharci darro ah u sheeganayaan inay ka shaqeeyaan ammaanka badda Somaliland.
Wuxuu caddeeyay in ammaanka badda Somaliland uu yahay mas’uuliyad gaar u ah Ciidanka Ilaalada Xeebaha, isla markaana badda ay tahay hanti qaran oo ay dowladdu maamusho.
Taliyaha ayaa yidhi:
"Waxa jira xadgudubyo lagu sheeganayo ammaanka badda JSL, qaar NGO ayaa ku qortay, qaar kalena hay’ado dawladeed ayaa boodhadhkooda ku darsaday. Waxaan uga digeynaa cid kasta oo arrintaas ku lug leh inay ka noqoto, kuwa hamiga ku jirana inay ka joogsadaan. Ammaanka badda JSL waxa ka masuul ah Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland."


0 





