Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS oo Raashin u Qaybiyay Dadka La Nool Xanuunka ee Gobolka Awdal

0
Sunday March 15, 2026 - 13:58:23 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS oo Raashin u Qaybiyay Dadka La Nool Xanuunka ee Gobolka Awdal

    Isuduwaha Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS ee gobolka Awdal,..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isuduwaha Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS ee gobolka Awdal,..

May be an image of text


Komishanka Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa deeq raashin ah u qaybiyay dadka la nool xanuunka HIV/AIDS ee ku dhaqan gobolka Awdal.


 

Raashinkan oo isugu jiray noocyo kala duwan oo cunto ah ayaa loogu talagalay in ay isticmaalaan dadka la nool xanuunkaasi inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.


 

Isuduwaha Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS ee gobolka Awdal, Selma Cabdirisaaq Xasan, ayaa sheegtay in raashinkan la gaadhsiiyay 150 qoys oo ka mid ah dadka la nool xanuunka HIV/AIDS, si looga taageero dhinaca nolol-maalmeedka iyo nafaqada xilliga Ramadaanka.


 

Selma Cabdirisaaq Xasan ayaa sidoo kale tilmaantay in komishanku sii wadi doono taageerada iyo daryeelka bulshada la nool xanuunka HIV/AIDS, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo caafimaadkooda iyo noloshooda guud ahaan.

Loading...
Loading...