Maayirka Hargeysa: Sharaf ayay ii Tahay Inaan La Afuro Xaafaddii Aan Ku Soo Barbaaray

0
Sunday March 15, 2026 - 13:55:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Hargeysa: Sharaf ayay ii Tahay Inaan La Afuro Xaafaddii Aan Ku Soo Barbaaray

    Maayirku wuxuu sheegay inay sharaf u tahay inuu la afuro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirku wuxuu sheegay inay sharaf u tahay inuu la afuro


No photo description available.


Maayirka degmada Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka hadlay munaasibad afur ah oo ka dhacday xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa, isaga oo xusay xusuusta iyo qiimaha ay xaafaddu u leedahay.


 

Maayirku wuxuu sheegay inay sharaf u tahay inuu la afuro dadka ku nool xaafaddii uu yaraantiisii ku soo barbaaray, isagoo tilmaamay in ay tahay meel uu ka leeyahay xusuus badan oo qiimo leh. Wuxuu yidhi:


"Sharaf ayay ii tahay in aan la afuro xaafaddii aan yaraantaydii ku soo qaatay wakhtiyo xusuus leh oo aad u qurux badnaa."


 

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sidoo kale sheegay in gurigii uu ku koray uusan ka fogayn goobta afurka lagu qabtay, isaga oo xusay:


"Waad ogtihiin gurigii aan ku koray halkan wax badan uma jiro."


 

Maayirku waxa uu tilmaamay in xaafadda Daami ay tahay xaafad qiimo weyn leh oo soo saartay dad xirfado kala duwan leh oo bulshada wax badan ku soo kordhiyay. Wuxuu yidhi:


"Xaafaddani waxay ahayd xaafad qiimo badan oo soo saartay dad qiimo leh."


 

Wuxuu intaas ku daray in xaafadda ay ka soo baxeen farsamayaqaanno badan oo sameeya sanduuqyada, haamaha iyo kabaha, sidoo kalena ay ka soo baxeen timo-jarayaal iyo ciyaaryahanno caan ah.


 

Ugu dambayn, Maayir Cabdikariin Axmed Mooge ayaa caddeeyay in xaafadda Daami ay mar walba ahayd meel soo saarta dad hal-abuur leh oo bulshada wax ku soo kordhiya.

Loading...
Loading...