Kremlin: Dunidu Ma Awoodi Karto inay Lumiso Saliidda Ruushka
Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa Sabtidii sheegay in suuqyada tamarta caalamku aysan awoodi karin inay lumiyaan saliidda Ruushka, kadib markii Mareykanku oggolaaday in dalalku iibsadaan qaar ka mid ah saliidda Moscow oo hore cunaqabatayn loogu soo rogay.
Peskov oo la hadlay wakaaladda wararka ee dawladda Ruushka ee TASS ayaa sheegay:
"Xaaladdu waa caddahay. Kaabayaasha tamarta caalamiga ahi ma awoodi karaan inay lumiyaan tiro badan oo saliid Ruush ah."
Wuxuu intaas ku daray in saliidda Ruushka ay weli tahay mid lagama maarmaan u ah suuqyada tamarta, isla markaana marka ay qayb ka mid ahi dib ugu soo noqoto suuqyada caalamiga ah ay ka qayb qaadanayso xasilinta qiimaha tamarta.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii maamulka Donald Trump uu Khamiistii soo saaray shati cusub oo u oggolaanaya waddamada inay iibsadaan qaar ka mid ah saliidda Ruushka. Isla maalintaas, qiimaha saliidda ceedhin ee Brent ayaa kor u dhaafay $100 halkii foosto, markii ugu horreysay tan iyo Agoosto 2022, inkasta oo markii dambe uu yara degay.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa dhaleeceeyay tallaabadan, isagoo ku tilmaamay go’aan khaldan.
Xiisadda ka dhalatay dagaalka Iran oo galay toddobaadkii saddexaad ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelatay suuqyada tamarta, kadib markii marin-biyoodka Hormuz, oo mara ku dhowaad shan meelood meel shidaalka dunida, uu si weyn u hakaday gaadiidkii booyadaha shidaalka.
Arrimahan ayaa sababay kor u kaca qiimaha saliidda caalamka, iyadoo falanqeeyayaasha suuqyada tamarta ay ka digayaan in xiisadaha gobolka ay sii kordhin karaan qalalaasaha suuqyada shidaalka.


0 





