Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Gaadhay Deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag

0
Sunday March 15, 2026 - 13:52:27 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Gaadhay Deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag

    Wasiirku wuxuu sheegay in ay bulshada la yeelan doonaan wada-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku wuxuu sheegay in ay bulshada la yeelan doonaan wada-


No photo description available.


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Maxamed Buraale, ayaa gaadhay deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen guuto ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo fadhigoodu yahay deegaankaasi.


 

Wasiir Siciid Maxamed Buraale oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wefti uu hoggaaminayo ay maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan deegaanka Yubbe, si ay u darsaan xaaladda deegaanka isla markaana ay ula kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo ogaado baahiyaha iyo horumarka ay tabayaan.


 

Wasiirku wuxuu sheegay in ay bulshada la yeelan doonaan wada-tashi iyo is-xog-waraysi, si loo fahmo culaysyada iyo caqabadaha ka jira deegaanka, loona raadiyo xalal wax ku ool ah.


 

Wuxuu yidhi:

"Waanu idinla joogi doonaa maalmahan soo socda oo dhan, waa aynu is-xog-waraysan doonaa, wixii culays iyo baahiya jira insha Allaah waa aynu ka wada hadli doonaa."

Loading...
Loading...