Shil Baabuur oo Khasaare Naf ah Sababay oo ka Dhacay Duleedka Degmada Abaarso

0
Sunday March 15, 2026 - 13:46:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Baabuur oo Khasaare Naf ah Sababay oo ka Dhacay Duleedka Degmada Abaarso

    Laamaha ammaanka, gaar ahaan Ciidamada Ilaalada Nabad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha ammaanka, gaar ahaan Ciidamada Ilaalada Nabad



Saaka aroortii hore ayaa shil baabuur oo dhimasho sababay ka dhacay duleedka degmada Abaarso. Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaadhi nooca qaadka qaada ah iyo booyad biyo dhaamis ah.


 

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in shilku sababay khasaare naf ah, inkastoo ilaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay shilka.



 

Laamaha ammaanka, gaar ahaan Ciidamada Ilaalada Nabad-gelyada Waddooyinka, ayaa si degdeg ah u gaadhay goobta shilku ka dhacay, iyagoo bilaabay baadhitaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay shilka.


 

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in ceeryaamo badan ay saaka ka jirtay goobta, taas oo hoos u dhigtay aragga wadayaasha, lagana yaabo inay qayb ka qaadatay dhacdada shilka.

Loading...
Loading...