Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga: Berbera Waa Marin Istaraatiji ah oo Saameyn ku Leh Ganacsiga Caalamka iyo Aqoonsiga Somaliland

0
Sunday March 15, 2026 - 13:45:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga: Berbera Waa Marin Istaraatiji ah oo Saameyn ku Leh Ganacsiga Caalamka iyo Aqoonsiga Somaliland

    Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye ayaa yidhi:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye ayaa yidhi:



Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye, oo marti ku ahaa barnaamijka Bad-maal ee Muuq-baahiyaha Qaranka, ayaa ka warbixiyay muhiimadda iyo kaalinta istaraatijiga ah ee ay leedahay magaalada Berbera.


 

Agaasimaha ayaa sheegay in Berbera ay tahay marin aad muhiim ugu ah isku socodka iyo ganacsiga caalamka, taas oo ka dhigaysa meel istaraatiji ah oo soo jiidanaysa indhaha caalamka. Wuxuu xusay in dekedda iyo goobta istaraatijiga ah ee Berbera ay door weyn ka qaadan karto kor u qaadista aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama dalal badan oo caalamka ahi ay sii kordhinayaan danaynta ay u qabaan xidhiidh ay la yeeshaan Somaliland.



 

Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye ayaa yidhi:


"Berbera waa marin istaraatiji ah oo saameyn weyn ku leh ganacsiga caalamka iyo aqoonsiga Somaliland."


 

Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu sheegay in wasaaraddu ay ku hawlan tahay qorshayaal lagu ballaadhinayo ka faa’iidaysiga khayraadka badda, si faa’iidadiisa loo gaadhsiiyo dhammaan gobollada dalka.


 

Wuxuu intaas ku daray in qorshayaasha wasaaradda ay ka mid yihiin in khayraadka badda la gaadhsiiyo iskuullada iyo guryaha ciidamada Somaliland, si loo kordhiyo isticmaalka iyo faa’iidaysiga kalluunka iyo khayraadka badda ee dalka.

Loading...
Loading...