Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo Shir la Yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda

0
Sunday March 15, 2026 - 13:42:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo Shir la Yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda

    Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa diiradda...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa diiradda...



Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Eng. Axmed Maxamed Cabdi, ayaa saaka shir guddoominayay kulan muhiim ah oo ay yeesheen agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.


 

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee ka socda wasaaradda iyo qiimeynta waxqabadka waaxyaha kala duwan. Agaasimayaasha waaxyaha ayaa halkaasi ku soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka ay wadaan, heerka ay marayaan mashaariicda kala duwan, iyo qorshayaasha horumarineed ee ay hiigsanayaan.



 

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa si dhow u dhagaystay warbixinnadaasi, iyaga oo ku dhiirrigeliyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda inay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada gaadiidka iyo dhismaha jidadka dalka. Waxa ay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi iyo wada-shaqayn joogto ah, si loo xaqiijiyo horumar muuqda oo dhinaca kaabayaasha waddooyinka iyo gaadiidka ah.

May be an image of one or more people and suit
May be an image of one or more people, people studying and suit
May be an image of one or more people, beard, people studying, eyeglasses and newsroom
May be an image of one or more people, beard, people smiling and eyeglasses
May be an image of one or more people, beard, people studying and eyeglasses
May be an image of one or more people and people studying
May be an image of one or more people, beard, people smiling and eyeglasses
May be an image of one or more people, people smiling, people studying, eyeglasses, headscarf and newsroom
May be an image of one or more people, people studying and text
May be an image of one or more people, people studying and text
May be an image of text
May be an image of one or more people

Loading...
Loading...