Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: Ma Jiro Heshiis Milatari oo Somaliland iyo Israa'iil Wada Galeen
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in aanu jirin wax heshiis milatari ah oo ay wada galeen Somaliland iyo Israa’iil, kaddib warar ay maalmahan baahinayeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ahi.
Wasiirka oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in labada dal ay si rasmi ah isu aqoonsadeen midba midka kale, taas oo u oggolaanaysa inay yeeshaan xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, balse aanu jirin wax heshiis saldhig milatari ah oo u dhexeeya.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa yidhi:
"Labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil si rasmi ah ayay isu aqoonsadeen midba midka kale, laakiin ma jiro wax heshiis milatari ah oo ay wada galeen."
Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil uu ku salaysan yahay iskaashi diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, isla markaana aanay jirin wax qorshe ah oo ku saabsan saldhig milatari.


0 





