La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha oo Bulshada ku Dhiirrigeliyay Bixinta Cashuurta

0
Sunday March 15, 2026 - 13:39:15 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha oo Bulshada ku Dhiirrigeliyay Bixinta Cashuurta

    Isaga oo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isaga oo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi:



La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in bulshada ay si fudud ugu dhiirranayaan bixinta cashuurta ku waajibtay, marka ay arkaan in lacagtii cashuurta ahayd waxqabad muuqda loogu adeegayo bulshada.


 

Dr. Bayle ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu maanta bixiyay cashuurta hantidiisa ku taalla magaalada Boorama ee sannadka 2026. Wuxuu xusay in bixinta cashuurta ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.



 

Isaga oo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi:


"Haddii bulshadu ay arkaan in cashuurtoodii wax loogu qabtay, yididiilo iyo kalsooni ayaa imanaysa."


 

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sidoo kale dawladaha hoose ku booriyay inay dadaal dheeraad ah geliyaan waxqabadka iyo horumarinta adeegyada bulshada, si ay u xoojiyaan kalsoonida shacabka iyo u diyaar ahaanshahooda bixinta cashuuraha.


 

Ugu dambayn, wuxuu bogaadiyay waxqabadka muuqda ee golaha deegaanka degmada Boorama, isagoo ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyaan horumarinta adeegyada ay u hayaan bulshada.

Loading...
Loading...