Badhasaabka Gobolka Salel oo Xilkii u Kala Wareejiyay Isu-duwihii Hore iyo Kan Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka

0
Saturday March 14, 2026 - 12:14:41 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Salel oo Xilkii u Kala Wareejiyay Isu-duwihii Hore iyo Kan Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka

    Munaasibadda xil-wareejinta ayaa ka qabsoontay xafiiska...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa ka qabsoontay xafiiska...

May be an image of one or more people, dais and text



Badhasaabka gobolka Salel ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Isu-duwihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka gobolka Salel iyo Isu-duwaha cusub ee loo soo magacaabay xafiiskaas.


 

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa ka qabsoontay xafiiska Badhasaabka gobolka Salel, halkaas oo ay masuuliyiintu si rasmi ah ugu kala wareegeen xilka. Intii ay socotay munaasibaddu, Badhasaabka gobolka ayaa labada masuul kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha kale ee gobolka.


 

Ugu dambayn, Badhasaabku waxa uu uga mahadceliyay isu-duwihii hore shaqadii uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay, isagoo isu-duwaha cusubna u rajeeyay inuu guul ka gaadho hawlaha loo igmaday ee horumarinta adeegyada caafimaadka ee gobolka Salel.

Loading...
Loading...