Kremlin: Danaha Ruushka iyo Maraykanka oo Isku Soo Beegmay Kadib Debcinta Cunaqabataynta Saliidda

0
Saturday March 14, 2026 - 12:12:48 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kremlin: Danaha Ruushka iyo Maraykanka oo Isku Soo Beegmay Kadib Debcinta Cunaqabataynta Saliidda

    Bayaan ay daabacday wakaaladda wararka Reuters,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan ay daabacday wakaaladda wararka Reuters,



Kremlin-ka ayaa sheegay in danaha Ruushka iyo Maraykanka ay isku soo beegmeen kadib markii maamulka Donald Trump uu khafiifiyay cunaqabataynta saarnayd iibsashada saliidda Ruushka, taas oo la sheegay inay la xidhiidho khilaafka sii xoogaysanaya ee ka socda Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka la xidhiidha Iiraan.



 

Bayaan ay daabacday wakaaladda wararka Reuters, oo ay ka soo xigatay afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov, ayaa lagu sheegay in Ruushku uu u arko tallaabada Maraykanka mid lagu doonayo xasilinta suuqyada tamarta caalamka. Peskov ayaa sheegay in arrintan ay sababtay in danaha Maraykanka iyo Ruushku ay isku meel ku soo beegmaan.


 

Dhanka kale, Maraykanka ayaa dhawaan u oggolaaday dalalka inay iibsadaan saliidda iyo batroolka Ruushka ee hore cunaqabatayntu u saarnayd. Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa sheegay in tallaabadani tahay go’aan ku meel gaadh ah oo loogu talagalay in lagu xasiliyo suuqyada tamarta adduunka xilligan uu socdo dagaalka gobolka. Ogolaanshahan ayaa lagu sheegay inuu socdo ilaa 11-ka Abriil.


 

Dhinaca kale, Ergayga dhaqaalaha ee Ruushka Kirill Dmitriev ayaa sheegay in suuqa tamarta adduunka uusan xasili karin haddii aan la helin saliidda Ruushka. Dmitriev ayaa qoraal uu ku daabacay Telegram ku sheegay in Maraykanku si aan toos ahayn u qirayo muhiimadda saliidda Ruushka ee suuqyada caalamiga ah.


 

Ruushka ayaa rajeynaya in tallaabadan ay horseedi karto debciya cunaqabataynta muddada dheer, inkastoo ogolaanshaha hadda la bixiyay uu yahay mid ku eg 30 maalmood, balse Moscow ay u aragto bilow cusub oo isbeddel ah.

Loading...
Loading...