Japan oo Ka Fiirsanaysa Iibsashada Shidaalka Ruushka Kadib Ka-dhaafis Cunaqabatayn oo uu Bixiyay Mareykanka

0
Saturday March 14, 2026 - 12:04:11 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Japan oo Ka Fiirsanaysa Iibsashada Shidaalka Ruushka Kadib Ka-dhaafis Cunaqabatayn oo uu Bixiyay Mareykanka

    Narumi Hosokawa, oo ah ku-xigeenka agaasimaha guud ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Narumi Hosokawa, oo ah ku-xigeenka agaasimaha guud ...



Dawladda Japan ayaa sheegtay inay dib u eegi doonto suurtagalnimada iibsashada shidaalka caydhiin ee ka imanaya Ruushka, kadib markii Mareykanku bixiyay ka-dhaafis cunaqabatayn oo soconaya muddo 30 maalmood ah. Tallaabadan ayaa timid xilli dagaalka u dhexeeya Iran iyo xulafadiisa uu saameyn weyn ku yeeshay suuqyada tamarta caalamka.



 

Ka-dhaafista uu Mareykanku oggolaaday waxay u saamaxaysaa dalalka inay iibsadaan shidaalka iyo wax-soo-saarka batroolka ee Ruushka ee hadda ku xaniban badda. Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa sheegay in go’aankan looga gol leeyahay xasilinta suuqyada tamarta ee caalamka, kuwaas oo si weyn u saameeyay xiisadaha gobolka Bariga Dhexe.


 

Narumi Hosokawa, oo ah ku-xigeenka agaasimaha guud ee maamulka xaaladaha degdegga ah ee Wasaaradda Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Warshadaha Japan (METI), ayaa sheegay in Tokyo ay arrintan u qiimeyn doonto iyadoo la tixgelinayo xaaladda caalamka iyo danaha qaranka ee Japan.


 

Sarkaal kale oo ka tirsan METI ayaa sheegay in shidaalka Ruushku uu muhiim u yahay xasilloonida sahayda tamarta Japan, balse Japan ay u baahan tahay inay qaaddo tallaabooyin dheellitiran, iyadoo ilaalinaysa wada-shaqeynta ay la leedahay dalalka G-7 iyo nidaamka isku-duwidda caalamiga ah.


 

Sida xogta rasmiga ah muujinayso, sannadkii 2025, Japan waxay 94% shidaalkeeda ka soo dejisatay Bariga Dhexe, halka 93% maraakiibta shidaalka sida ay maraan marin-badeedka Hormuz, oo si weyn u hoos yimaada saameynta Iran. Dagaalka ka socda gobolka ayaa sababay hakad ku yimaada gaadiidka shidaalka ee marinkaasi mara.


 

Mas’uuliyiinta Japan ayaa sidoo kale sheegay in Tokyo ay qorshaynayso inay sii dayso qiyaastii 80 milyan oo foosto oo shidaal ah oo ka mid ah kaydkeeda istaraatiijiga ah, taas oo u dhiganta sahay ku filan 45 maalmood, si loo yareeyo saameynta khalkhalka ka dhashay xiisadaha Bariga Dhexe.


 

Dhanka kale, dowladda Japan ayaa shirkadaha sifaynta shidaalka gudaha ku wargelisay inay isticmaalaan shidaalka laga sii daynayo kaydka istaraatiijiga ah si loo hubiyo sahayda batroolka ee gudaha dalka, iyadoo aan la xaddidayn dhoofinta wax-soo-saarka dheeraadka ah ee ka dhasha sifaynta.


 

Wasiirka Warshadaha Japan Ryosei Akazawa ayaa hore u sheegay in shirkadaha sifaynta shidaalka ay sidoo kale raadinayaan ilo kale oo shidaal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Badhtamaha Aasiya iyo Koonfurta Ameerika, sida ay werisay Reuters.

Loading...
Loading...