Wasiirka Difaaca Mareykanka: Hoggaamiyaha Cusub ee Iran Mojtaba Khamenei wuu Dhaawacmay

0
Saturday March 14, 2026 - 12:00:35 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca Mareykanka: Hoggaamiyaha Cusub ee Iran Mojtaba Khamenei wuu Dhaawacmay

    Bayaankaas ayuu ku ballanqaaday in Iran ay sii wadi doonto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaankaas ayuu ku ballanqaaday in Iran ay sii wadi doonto



Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa Jimcihii maanta sheegay in hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu dhaawacmay isla markaana ay u badan tahay inuu soo gaaray dhaawac culus, sida ay werisay Reuters. Hegseth ayaa sidoo kale su’aal geliyay awoodda uu u leeyahay inuu si buuxda u maamulo dalka Iran, kadib ku dhowaad laba toddobaad oo weerarro milatari ay ku qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.



 

Wararka ayaa sheegaya in wax sawir ama muuqaal ah laga soo saarin Khamenei tan iyo weerar ay Israa’iil fulisay bilowgii dagaalka, kaas oo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan qoyskiisa, oo ay ku jiraan aabihii iyo xaaskiisa. Hadalkiisii ugu horreeyay ee dadweynaha ayaa ku soo baxay bayaan qoraal ah oo uu akhriyey wariye telefishan oo ka tirsan Iran.


 

Bayaankaas ayuu ku ballanqaaday in Iran ay sii wadi doonto xidhitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, wuxuuna ugu baaqay dalalka deriska ah inay xidhaan saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dhulkooda, isagoo ku hanjabay in Iran ay bartilmaameedsan doonto haddii arrintaas la fulin waayo.


 

Shir jaraa’id oo uu qabtay, Hegseth ayaa sheegay:


"Waxaan ognahay in hoggaamiyaha cusub ee Iran uu dhaawacmay, isla markaana ay u badan tahay inuu si xun u dhaawacmay. Waxa uu soo saaray bayaan daciif ah oo qoraal ah, balse ma jirin cod ama muuqaal la socday.”


 

Dhanka kale, sarkaal Irani ah ayaa Reuters u sheegay in Mojtaba Khamenei uu si fudud u dhaawacmay balse uu weli sii wado hawlaha maamulka.


 

Hegseth iyo Jeneraal Dan Caine oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarrada Mareykanka ay ujeedkoodu yahay burburinta awoodda gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo ciidamada badda ee Iran. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu sii wadi doono cadaadiska milatari inta dagaalku socdo.


 

Mareykanka ayaa sheegay inuu weerarro ku qaaday in ka badan 6,000 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran 14-kii maalmood ee la soo dhaafay. Duqeymaha ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sababay ku dhowaad 2,000 oo dhimasho ah gudaha Iran.


 

Dhanka kale, Pentagon-ka ayaa sheegay inuu markab dagaal oo dheeraad ah u dirayo Bariga Dhexe oo ay saaran yihiin ciidamada Marines. Isla waqtigaas, diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran leedahay ayaa lagu arkay hawada dalal dhowr ah oo gobolka ku yaalla, sida Kuwait, Iraq, Imaaraadka, Baxrayn iyo Cumaan.


 

Sidoo kale, lix askari oo Mareykan ah ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay galbeedka Ciraaq, kadib markii diyaarad milatari oo shidaal siisa diyaaradaha kale ay ku dhacday halkaas. Mareykanka ayaa sheegay in shilkaasi uusan ka dhalan weerar cadow, balse uu ahaa shil milatari.


 

Tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen weerarrada ka dhanka ah Iran 28-kii February, waxaa la xaqiijiyay dhimashada 11 askari oo Mareykan ah.

Loading...
Loading...