Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Dharka Ciidda Gudoonsiiyay Carruurta Xarunta Dhaqan-celinta Maxamed Mooge

0
Saturday March 14, 2026 - 11:59:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Dharka Ciidda Gudoonsiiyay Carruurta Xarunta Dhaqan-celinta Maxamed Mooge

    Intii uu booqashada ku joogay xarunta, wasiirku waxa uu 55 ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu booqashada ku joogay xarunta, wasiirku waxa uu 55 ...
May be an image of one or more people, headscarf and text



Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Looge), ayaa galabta booqasho dhiirrigelin iyo farxad-gelin isugu jirta ku tegay Xarunta Dhaqan-celinta Carruurta ee degmada Maxamed Mooge.


 

Intii uu booqashada ku joogay xarunta, wasiirku waxa uu 55 carruur ah oo halkaas ku jira ku gudoonsiiyay dharka Ciidda, si uu ula wadaago farxadda Ciidul-Fidriga ee soo dhow.


 

Wasiir Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay mudnaan gaar ah siinayso daryeelka dadka tabaalaysan iyo ubadka baahiyaha gaarka ah qaba, isla markaana ay sii xoojin doonto barnaamijyada lagu taageerayo carruurta iyo bulshada nugul.

Loading...
Loading...