Doontii Xoolaha ka qaaday Dekedda Berbera oo Ku Degtay Biyaha Yemen

0
Saturday March 14, 2026 - 11:57:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doontii Xoolaha ka qaaday Dekedda Berbera oo Ku Degtay Biyaha Yemen

    Sida uu sheegay isu-duwuhu, doonta ayaa ku degtay biyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu sheegay isu-duwuhu, doonta ayaa ku degtay biyaha



Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay doon xoolo siday oo ku degtay biyaha u dhow dalka Yemen, taas oo safarkeeda ka bilaabatay Dekedda Berbera.


 

Isuduwaha Wasaaradda ee gobolka Saaxil ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in doontaasi ka shiraacatay dekedda Berbera 10-kii bishan, iyadoo ku sii jeeday dalka Yemen. Doonta ayaa sidday 509 neef oo adhi ah iyo 171 neef oo dibi ah.



 

Sida uu sheegay isu-duwuhu, doonta ayaa ku degtay biyaha badda ee Yemen, meel qiyaastii shan mayl u jirta xeebta dhinaca barriga, xilli ay ku guda jirtay safarkeeda.


 

Waxa uu intaas ku daray in dhammaan xoolihii saarnaa doonta ay halaagsameen, isla markaana aanay jirin wax ka badbaaday.


 

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay shilka, iyadoo la filayo in baaritaan lagu sameeyo si loo ogaado sababta dhabta ah ee doontaasi u degtay.

Loading...
Loading...