Booliska Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Eedaysane Weeraray Sarkaal Boolis ah oo ku Sugnaa Berbera

0
Saturday March 14, 2026 - 11:26:23 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Eedaysane Weeraray Sarkaal Boolis ah oo ku Sugnaa Berbera

    Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa si weyn uga xumaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa si weyn uga xumaaday



Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane lagu tuhunsan yahay inuu dhaawac u geystay Saddex-Xadhigle Cabdiqaadir Axmed Goox, xilli uu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo shalay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.


 

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa si weyn uga xumaaday falkaasi, isagoo Alle uga baryay sarkaalka dhaawacmay inuu si degdeg ah u helo caafimaad iyo bogsiin.



 

Taliska Booliska ayaa sidoo kale sheegay in falkaasi uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah shaqada iyo waajibaadka muhiimka ah ee ay ciidamada Boolisku u hayaan bulshada iyo qaranka.


 

Dhanka kale, eedaysanaha la qabtay ayaa si degdeg ah loo horgayn doonaa hay’adaha garsoorka, si sharcigu uga qaado tallaabada ku habboon.

Loading...
Loading...