Xeerka Kowaad ee Guusha: Bilaabidda

0
Friday March 13, 2026 - 02:04:08 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerka Kowaad ee Guusha: Bilaabidda

    Xeerka Kowaad ee Guusha: Bilaabidda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerka Kowaad ee Guusha: Bilaabidda



Xeerka kowaad ee guushu waa bilaabidda. Dad badan waxay maskaxdooda ku hayaan riyooyin iyo qorshayaal ay rabaan inay gaadhaan, balse inta badan waxay ku ekaadaan fikir iyo qorshayn oo keliya.


 

Haddii aad rabto guul, waa inaad joojisaa dib u dhigista oo aad maanta bilowdaa. Ha sugin in noloshu marka hore si buuxda isu hagaajiso, sababtoo ah noloshu weligeed si qumman isu ma hagaagto.



 

Guushu waxay u baahan tahay tallaabo iyo ficil. Haddii aanad bilaabin, waxba isma beddelayaan. Dadka guuleysta badankood waxa ka dhexeeya hal arrin: waa dad ku dhiirrada inay bilaabaan, xitaa haddii xaaladdu aanay qummanayn.


 

Sidaa darteed, ha ka fikirin oo keliya waxa aad rabto inaad noqoto ama samayso—bilow maanta. Wax badan ayaad dib u dhigtay; hadda waa waqtigii aad tallaabada qaadi lahayd.


 

Noqo qof ku fiican bilaabidda, dadaalka joogtee, markaas ayaad u dhowaanaysaa guusha.

 

Bilow maanta, oo Bisinka ku bilow.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...