Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Ehelada Marxuum Xuseen Xaaji Faarax Maxamed (Xuseen Doodi)

0
Sunday August 04, 2019 - 15:24:31 in Articles by
  • Visits: 1494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Ehelada Marxuum Xuseen Xaaji Faarax Maxamed (Xuseen Doodi)

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Ehelada Marxuum Xuseen Xaaji Faarax Maxamed (Xuseen Doodi)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Ehelada Marxuum Xuseen Xaaji Faarax Maxamed (Xuseen Doodi)



Taariikh: 04/08/2019

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Xaaji Faarax Maxamed (Xuseen Doodi)oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/08/2019, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilal kala duwana qaranka ka soo qabtay oo uu ugu danbeeyey xilka wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.--
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...