Dabinnada Qarsoon ee Shaydaanka.
Shaydaanku wuxuu adeegsadaa xeelado qarsoon oo qorshaysan, kuwaas oo uu ku jahawareeriyo dareenka iyo maskaxda bini’aadamka. Marar badan wuxuu ku guulaystaa inuu qofka ka mashquuliyo waxa faa’iidada leh, isagoo u jeediya waxyaabo qalbiga iyo iimaanka dhaawaca.
Indhaha iyo dhegaha waa albaabada ugu waaweyn ee qalbiga. Waxa aynu aragno iyo waxa aynu maqalno waxay si toos ah u saameeyaan qalbigeenna. Shaydaanku arrintaas ayuu ka faa’iidaystaa, wuxuuna ku mashquuliyaa indhaha waxyaabo badan oo ka muuqda shaashadaha kala duwan, sida moobaylka, tablet-ka, telefishanka iyo qalabka kale ee casriga ah.
Shaashadaha maanta waxay noqdeen meel uu qofku waqti badan ku qaato, mararka qaarkoodna ay noqdaan meel uu ku galo dambiyo ama ku dayaco waajibaadkiisa diineed. Sidaas darteed, qofku waa inuu taxaddar ka yeeshaa waxa uu daawanayo iyo inta uu ku bixinayo waqtigiisa.
Dhanka kale, dhegaha ayaa iyaguna noqda dariiq kale oo shaydaanku ku mashquuliyo qalbiga. Mararka qaarkood qofku marka uu si joogto ah u dhegaysto muusig ama waxyaabo kale oo mashquuliya qalbiga, waxay ku sii nagaan karaan maskaxdiisa oo ay dib ugu soo noqnoqdaan xitaa marka uu kaligiis yahay.
Maskaxdu waa meesha ay ku kulmaan dareennada iyo fikradaha, waana jidka ugu dhow ee qalbiga loo maro. Sidaa darteed, haddii qofku xakameeyo waxa uu arko, waxa uu maqlo, iyo waxa uu ka fikiro, qalbigiisu wuxuu noqon karaa mid nadiif ah oo xasilloon—sida muraayad cad oo aan wasakh lahayn.
W/T: Maxamed Haybe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





