Gabadhda Muslimadda ah: Sharafteedu waxay ku jirtaa Dhawrsanaan iyo Guur Xalaal ah

Gabadh muslimad ah oo dhawrsan waxay sugtaa nin ay si sharci ah u jeclaato oo si xalaal ah u guursada, mana sugto "saaxiib” ku maaweeliya muddo dabadeedna ka taga sidii wax aan qiimo lahayn.
Walaashay qaali ah, toos oo baraarug. Diintu waxay u timid inay ku sharfato oo ku ilaaliso, sidaa darteed ha hoos u dhigin naftaada adigoo raacaya jid aan sax ahayn. Ka dhowrsaw xaaraanta, hana ka dhigin Ilaahay midka ugu fudud ee ku eegaya.
Xasuusnow in jacaylka dhabta ahi uu yahay kan ka yimaadda albaabkiisa saxda ah, oo ku dhisan ixtiraam, masuuliyad iyo guur xalaal ah. Taasi waa jacaylka ilaalinaya karaamadaada, qiimahaaga, iyo mustaqbalkaaga.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





