Suldaan Caddegude Oo Ka Hadlay Dhexdhexaadinta Xukuumada Iyo Kornayl Caare

0
Sunday August 04, 2019 - 15:22:40 in News by
  • Visits: 7312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Caddegude Oo Ka Hadlay Dhexdhexaadinta Xukuumada Iyo Kornayl Caare

    Suldaan Caddegude Oo Ka Hadlay Dhexdhexaadinta Xukuumada Iyo Kornayl Caare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Caddegude Oo Ka Hadlay Dhexdhexaadinta Xukuumada Iyo Kornayl Caare


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha guddida beelaha Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Caddagude oo ka mid ahaa ergo madax dhaqameed ah oo la kulmay kornaylka hogaaminaya jabhada ku jirta buuraha gobolka Sanaag ee Caare ayaa ka hadlay halka ay wax u marayaan.




Suldaan Caddagude oo Hadhwanaagnews khadka telefanka kula xidhiidhay ayaa si kooban u sheegay in hawlaha wadda hadaladu ay meel fiican u marayaan isla markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan wixii ay isla qaateen kornaylka.


Suldaan Caddagude ayaa "imika meel fiican ayey wax noo marayaan, waxaanan rajaynayaa inaanu dhawaan faah faahin ka bixin doono aniga oo aan ka hordhacayn.”


Suldaan Caddegude ayaa ka mid ah madax dhaqameed ka ka soo jeeda beelaha Garxajis kuwaas oo dedaal ugu jira inay soo afjaraan xiisada u dhaxaysa jabhada uu hogaaminayo Kornayl Caare iyo xukuumada somaliland, waxaana la dhawrayaa natiijada ka soo bixi doonta iyo qaabka ay iskugu soo dhaweeyaan labada dhinac.

Loading...
Loading...